WARARKA SOOMAALI

AS oo Weerar ku qaaday Saldhig Ciidan & Khasaaro badan oo ka dhashay

Al-Shabaab ayaa aroornimadii hore ee Maanta oo talaado ah waxa ay weerar culus ku qaaday saldhig ciidanka dowladda Soomaaliya ay ku leeyihiin duleedka degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ee Maamulka Hirshabeelle, iyadoo weerarkaasi laga helayo faah faahino.

Weerarka kadib ayaa waxaa gudaha saldhiga ciidanka ka dhex dhacay dagaal toos ah oo dhexmaray ciidanka dowladda iyo Shabaabkii weerarka soo qaaday, waxaana dagaalkaasi ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo dhinacyada kala gaaray.

Saraakiil ka tirsan dowladda ayaa warbaahinta dowladda u sheegay inay iska caabiyeen weerarka uga yimid dhanka Al-Shabaab, isla markaana ay khasaaro gaarsiiyeen Shabaabka, inkastoo aan la xaqiijin Karin hadalka saraakiisha.

Saldhiga weerarka ka dhacay ayaa kamid saldhigyada dhawaan ciidamada dowladda ay kala wareegeen ciidamada ATMIS, gaar ahaan kuwa dalka Brundi oo muddo aad u dheer ku sugnaan jiray saldhigaas.

Al-Shabaab warar ay ku qoreen Warbaahintooda ayaa waxa ay ku sheegteen in 27 askari ku dishay weerarkii ka dhacay duleedka degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ee dowlad Goboleedka Hirshabeelle,

Kooxda ayaa mararka qaar weerar gaadmo ah oo xilli hore oo subaxnimada ku qaada saldhigyada ciidamada dowladda, illaa haddana waxaa muuqata in aan wax laga baran weerarada isku xilliga dhaca ee kooxda ku bartilmaameedsato ciidanka dowladda.

AS oo Weerar ku qaaday Saldhig Ciidan & Khasaaro badan oo ka dhashay
To Top