WARARKA SOOMAALI

Ardayda Laascaanood oo Maanta u fariistay Imtaxaanka shahaadiga ee DFS

Waxaa Maanta oo sabti ah si rasmi ah loo daah furay Imtixaanka shahaadiga Dugsiyada Sare ee 2023-2024 oo ay qaadeyso Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya oo sanadkan ay ka qeyb galayaan in ka badan 37,000 oo arday, kuwaasi oo dhameystay waxbarashada Dugsiga sare.

Magaalooyinka Maanta Imtixaanka shahaadiga ay ardayda dhameysatay waxbarashada dugsiyada sare ku galayaan ayaa waxaa kamid ah Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool iyo deegaannada Maamulka SSC-Khaatumo.

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee SSS-Khaatumo Abdihakim Jama Dalmar oo ka hadlaayay Imtixaanka bilowday ayaa sheegay in ardayda deegaannada Maamulkooda ay farxad u tahay oo galayaan Imtixaanka shahaadiga ee dowladda Soomaaliya.

Wasiirka ayaa sidoo kale amaan iyo bogaadin usoo ujeediyay  Madaxwaynaha SSC-Khaatumo Abdiqadir Axmed Awcali  oo qayb ka qaatay hirgalinta Imtixaanka shahaadiga ah ee ardaydu saaka u fadhiisatay.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa saaka daah-furay Imtixaanka Dugsiyada Sare ee 2023-2024.

Ardayda Laascaanood oo Maanta u fariistay Imtaxaanka shahaadiga ee DFS
To Top