WARARKA SOOMAALI

Al-Shabaab oo xalay Weerar khasaaro dhaliyey ka geysatay Muqdisho

Rag hubeysan oo ka tirsan Al-Shabaab ayaa habeenimadii xalay aheyd weerar kusoo qaaday Bar koontarool oo ciidanka ammaanka dowladda Federaalka ku leeyihiin degmada Deyniile ee Gobolka Banaadir, waxaana weerarka kadib dhacay iska horimaad.

Qaar kamid ah dadka deegaanka xaafadda tiida oo ah halka uu iska horimaad ka dhacay ayaa kusoo warramay in daqiiqado kooban ay maqlayeen dhawaqa hub culus oo dhacaayay, isla markaana uu jiro khasaaro ka dhashay falkaas ka dhacay Deyniile.

Ugu yaraan saddex askari oo ka tirsan Booliska dowladda oo ku sugnaa barta Koontarool ayaa goobta ku dhintay, halka sida la tilmaamay xubnihii  weerarka soo qaaday iyaguna laga toogtay labo, waxaana sidoo kale jira dhaawacyo kale gaaray Askar kale.

Raggii weerarka soo qaaday oo watay hub culus ayaa ka baxsaday halka uu weerarka ka dhacay, Mana jiro wax war ah oo kasoo baxay laamaha ammaanka dowladda Federaalka oo ay uga hadlayaan iska horimaadkii ka dhacay degmada Deyniile ee Gobolka Banaadir,

Waa weerarkii labaad oo saacado gudahood ay Al-Shabaab ka fulineyso gudaha caasimadda Muqdisho, gelinkii dambe ee shalay ayey aheyd markii qarixii is-miidaaminta ahaa uu ka dhacay guryaha saraakiisha ee degmada Hodan, iyadoona halkaas ay dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen saraakiil iyo Askar ka tirsan ciidamada xoogga dalka.

Al-Shabaab oo xalay Weerar khasaaro dhaliyey ka geysatay Muqdisho
To Top