WARARKA SOOMAALI

Al-shabaab oo weerar ku qaaday Saldhig Ciidan iyo wararkii ugu danbeeyay

Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab ayaa xalay saqdii dhexe waxaa ay weerar ku qaadeen Saldhig Ciidamo katirsan Millateriga Soomaaliya ku leeyihiin degaanka Janaale oo hoostaga degmada Marka ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Saraakiil ka tirsan Ciidanka Ururka 83-aad, guutada 14-ka October ee Xoogga dalka ayaa sheegay inay iska difaaceen weerarkii kaga yimid dhinaca Al-Shabaab, isla markaana khasaaro xoogan ay ku gaarsiiyeen dagaal kooban oo ka dhacay degaanka Janaale.

Sidoo kale saraakiisha ayaa degaanka Janaale kusoo bandhigay meydka  hal Xubin oo ka tirsan Al-Shabaab, kaas oo dagaalka lagu dilay, sidoo kalena ay jiraan

Taliyaha ururka 83-aad ee October Gaashaanle Sare Nuuradiin Xuseen ayaa sheegay in Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ay howdka degaanka Janaale ka wadaan howlgallo ay ku baadi goobayaan dagaalamayaal kayirsan Al-Shabaab ee degaanka soo weeraray.

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya degaanka Janaale ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in xaaladdu ay tahay mid degan, isla markaana isku socodka dadka iyo Ganacsiga ay si caadi ah u Shaqeeynayaan.

Al-shabaab oo weerar ku qaaday Saldhig Ciidan iyo wararkii ugu danbeeyay
To Top