WARARKA SOOMAALI

Al-Shabaab oo Weerar ku dishay Ciidamo ka tirsan DANAB

Dagaal xooggan oo u dhexeeyay ciidanka kummaandooska DANAB iyo Al-Shabaab ayaa gelinkii dambe ee shalay ka dhacay degmada Galcad iyo deegaanka Budbud oo hoostaga degmada Galcad ee Gobolka Galgaduud, dagaalka ayaa qaatay saacado badan.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka uu markii hore ka bilowday xubno ka tirsan Al-Shabaab oo weerar jid-gal ah ku qaaday ciidamo kummaandoos oo howlgal waday, waxaana sidaas ku bilowday dagaalka oo la isku adeegsaday hubka cul culus.

Taliyaha Guutada 16aad ee Kumaandooska Danab, G/dhexe Axmed Cabdullaahi Nuur (Beeryare) ayaa sheegay in hawlgal lagu burburiyay baaruudda iyo aaladaha kale ay Shabaabku ka sameeyaan walxaha qarxa.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Ciidanka Xoogga Dalka ay xalay ku hoydeen goobihii lagu dagaalamay, Shabaabkuna ay aadeen dhanka dhulka miyiga ee tuulooyinka Geerile iyo Indha-kuus ee xigga dhanka deegaanka Cowsweyne. Cowsweyne ayaa la tilmaamaa in Shabaabku ku leeyihiin difaacooda ugu weyn ee ay ka difaacayaan Magaalada Ceelbuur.

Dhinaca kale Al-Shabaab ayaa qarax miino la beegsatay gaari Tiniko ah oo ay wateen ciidamo ka tirsan kuwa xoogga dalka, kuwaasi oo la tilmaamay inay gurmad u ahaayeen ciidamada kummaandooska DANAB ee weerarka qabsaday, Al-Shabaab ayaa sheegtay inay dishay 14 askari, laba gaarina ay kaga gubeen ciidamada.

Al-Shabaab oo Weerar ku dishay Ciidamo ka tirsan DANAB
To Top