WARARKA SOOMAALI

Al-shabaab oo weerar Culus ku qaaday Saldhig ay ku sugnaayeen Ciidamo badan

Wararka ka imaanaya degmada Diinsoor ee Gobolka Baay ayaa sheegaya in halkaasi ka dhacay dagaal culus oo u dhaxeeyay ciidamada Itoobiya ee saldhig ku leh degmadaasi iyo dagaalyahano katirsan Al Shabaab.

Dagaalka ayaa la sheegay in uu ku bilowday madaafiic Al Shabaab ku garaaceen saldhig duleedka degmada Diinsoor ku leeyihiin ciidamada Itoobiya, waxaana madaafiicda kaddib ciidamada Itoobiya oo saldhiga kasoo baxay dagaal kala kulmeen Al Shabaab.

Dadka deegaanka ayaa maqlayay daryanka rasaasta culus ay is dhaafsanayeen ciidamada Itoobiya iyo kuwa Al Shabaab, waxaana dagaalka labada dhinac dhax maray socday daqiiqado badan sida aan wararka ku helnay.

Lama oga ilaa hada khasaaraha ka dhashay dagaalkan dhax maray ciidamada Itoobiya iyo kuwa Al Shabaab, mana jiro war rasmi ah oo kasoo baxay labada dhinac oo ku aadan dagaalka iyo khasaaraha ka dhashay.

Al-shabaab oo weerar Culus ku qaaday Saldhig ay ku sugnaayeen Ciidamo badan
To Top