WARARKA SOOMAALI

Al-shabaab oo Qarax xoogan Xildhibaan kula beegsatay Gaarisa & Khasaaro ka dhashay

Kolonyo galbineysay Xildhibaan lagu magacaabo Ibraahim Cabaas oo ka tirsan Baarlamaanka Kenya ayaa waxaa qarax lagula beegsaday duleedka Magaalada Gaarisa ee Gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya.

Qaraxa oo ahaa miino ayaa qabsaday mid kamid ah gaadiidka kolonyada Xildhibaanka, waxaana qaraxa oo ahaa mid xoogan oo khasaaro gaarsiiyay Ciidamo ilaalo ahaa.

Inta la xaqiijiyay 5 askari ayaa qaraxaasi ku dhaawacantay, kuwaasoo qaarkood laga deyrinayo xaaladooda caafimaad, dadka dhaawaca ah waxaa ku jira darawalka waday gaariga qaraxa uu qabsaday ee saarnaayeen ciidanka Kenya.

Saraakiil ka tirsan Ciidanka Booliska Kenya oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in weerarkii dhacay ay ka dambeeyeen Al-shabaab, isla markaana ay wadaan baaritaano kala duwan oo ku aadan  qaraxa kasaaraha geystay ee ka dhacay duleedka Gaarisa.

Al-shabaab ayaa dhowr jeer oo horey ayaa waxaa ay gudaha Kenya qaraxyo iyo weeraro toos ahaa kula beegsadeen kolonyo ay wateen Ciidanka Kenya ee qeybta ah howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS.

Al-shabaab oo Qarax xoogan Xildhibaan kula beegsatay Gaarisa & Khasaaro ka dhashay
To Top