WARARKA SOOMAALI

DAAWO:_Al-shabaab oo Qarax khasaaro dhaliyey la beegsaday Ciidamo Kenyaati

Qaraxa oo ahaa miinada nooca dhulka lagu Aaso ayaa Ciidamo ka tirsan kuwa Kenya waxaa lagula eegtay degaan u dhow Magaalada lamu, waxaana ka dhashay qasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.

Qaraxa ayaa qabsaday Gaadiid ay la socdeen Ciidamo Kenyan ah oo marayay wadada u dhaxeeysa degaannada Kinyonga iyo Mirani ee duleedka lamu, xilli ay howlgallo roondo ah kujireen.

Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda qaraxaas, waxaana warar ay ku daabaceen Baraha ay ku leeyihiin Internet-ka ay ku sheegeen in qaraxaas ay ku dileen 10 kamid ah Ciidamada Kenya, sidoo kalena gaari ay ku gubeen.

Saraakiisha Ciidamada Kenya ayaan weli wax faah faahin ah ka bixin qaraxaas, iyada oo dhowr jeer degaano hoostaga Magaalada lamu sidaan oo kale qaraxyo lagula eegtay Ciidamada Kenya.

RIIX HALKAAN SI AAD U DAAWATO

DAAWO:_Al-shabaab oo Qarax khasaaro dhaliyey la beegsaday Ciidamo Kenyaati
To Top