WARARKA SOOMAALI

Al-Shabaab oo Qarax khasaaro dhaliyay la beegsatay Ciidamo Kenyaati ah

Faah faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax sababay dhimasho iyo dhaawac oo saacadihii lasoo dhaafay ciidamo ka tirsan kuwa Milateriga Kenya lagula beegsaday deegaan ka tirsan Magaalada lamu ee Gobolka waqooyi Bari ee dalka kenya.

Qaraxa oo miino ahaa ayaa lala eegtay Kolonyo Gaadiid ah oo ay wateen ciidamada Kenya oo xiligii la qarxinayay socdaal ku marayay degaanka Pandanguo, isla markaana kusii jeeday degaanka Witu ee Magaalada laamu.

Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyada qaraxaas dhacay, iyada oo sheegtay inay kudileen 25 ka tirsan Ciidamada Kenya, laba gaarina ku gubeen wallow aysan jirin cid xaqiijin karta.

Saraakiil ka tirsan Booliska Kenya oo weerarka qaraxa xaqiijiya ayaa sheegay inay wadaan baaritaano, waxaana xusid mudan in maalmihii la soo dhaafay ay kordheen weerarada Al-Shabaab ay ka geysanayaan degaannada Gobolka Waqooyi bari.

Si kastaba, Al-Shabaab ayaa sidaan dhowr jeer oo horey waxay qaraxyo khasaaro farabadan dhaliyay ula beegsatay gaadiid ay wateen ciidamada Milateriga iyo kuwa Booliska ee dowladda, qaraxyada ayaa inta badan ka dhaca Gobolka Waqooyi Bari ee dalkaas.

Al-Shabaab oo Qarax khasaaro dhaliyay la beegsatay Ciidamo Kenyaati ah
To Top