Wararka aan ka heleyno Gobolka Hiiraan gaar ahaan deegaanka Ceel-Cadde oo dhaca galbeedka magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolkaasi ayaa sheegaya in Maanta halkaasi ay la wareegeen dagaalamayaasha Al-Shabaab oo watay gaadiid dagaal.
Deegaanka Ceel-Cadde ayaa inta aysan qabsaday Al-Shabaab waxaa gebi ahaan isaga baxay ciidanka dowladda Federaalka iyo kuwa deegaanka ee macwiisleyda loo yaqaano, kuwaasi oo deegaanka ku lahaa Saldhig, iyagoona aaday deegaano kale oo Hiiraan ah.
Taliye Maxamed Salaad oo kamid ah saraakiisha ciidamada dowladda ee ka howlgala gobolka Hiiraan ayaa xaqiijiyay in Al-Shabaab ay haatan maamulayaan deegaanka, isla markaana ay soo buux-dhaafiyeen halkaasi iyo meelo kale oo kamid ah Gobolka.
Dhinaca kale Dagaal culus oo u dhaxeeya Ciidamada Dib-u-xoreynta Macawisleeyda deegaanka iyo xubno ka tirsan Al-Shabaab ayaa ka socda deegaanka Caag-sibiri oo ka tirsan degmada Farlibaax ee gobolka Hiiraan.
Dagaalka ayaa bilowday ka dib markii xubno ka tirsan Alshabaab ay weerar ku qaadeen Caag Sibiri ee ka tirsan degaanada hoostaga degmada Farlibaax ee gobolka Hiiraan.
Dadka degaanka ayaa soo sheegaya in labada dhinac ay isku adegsanayaan Hubka nuucyadiisa kala duwan inkastoo illaa hadda aan la ogeyn khasaaraha ka dhashay dagaalkaas.