WARARKA SOOMAALI

Al-Shabaab oo Maanta Duqeysay Xerada Xalane & Garoonka Muqdisho

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya tiro hoobiyeyaal ah oo Maanta dagaalamayaasha Al-Shabaab ay ku weerareen xerada Xalane ee ku dhex taalla gudaha Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Dad ku sugan Garoonka ayaa warbaahinta u sheegay in illaa laba madfac ay ku dhaceen xerada Xadale oo ay degan yihiin shisheeyaha jooga Soomaaliya, halka hoobiye saddexaad uu ku dhacay  meel ku dhow halka ay ku degaan diyaaradaha kasoo dega Garoonka Aadan Cadde.

Dhinaca kale Taliska ciidanka Boolisak dowladda Federaalka ayaa ka hadlay hoobiyeyaasha Maanta lagu weeraray Garoonka diyaaradaha, iyaga oo sheegay inay gacanta ku soo dhigeen dhowr xabo (baalooto) oo hoobiye ah oo aan qarxin.

“Ciidanka amaanka gaar ahaan kuwa howlgalka Ciiltire oo uu ugu horreeyo ciidanka Booliska Soomaaliyeed, ciidanka hay’adda Nabad-sugida iyo Sirdoonka Qaran iyo Ciidanka Polizia Militare ee xoogga dalka Soomaaliyeed oo iskaashanaya ayaa waday howlgalo lagu xaqiijinayo amaanka caasimada iyo nawaaxigeeda ayaa ka howlgalay aagii la rumeysnaa in laga soo tuuray hoobiyeyaasha,” ayaa lagu yiri warka.

Sidoo kale ciidanka ayaa gacanta kusoo dhigay mobile-dii laga qarxinayay oo wata fiilooyinkooda iyo gurigii laga soo ridayay, sida uu shaaciyay taliska ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Weerarkan ayaa qeyb ka noqonaya falalka amni darro ee mararka qaar ka dhaca caasimada, xilli dowladda federaalka ay kordhisay howl-gallada lagu sugayo amniga iyo kuwa lagula dagaalamayo Al-Shabaab ee ka socda caasimada.

Al-Shabaab oo Maanta Duqeysay Xerada Xalane & Garoonka Muqdisho
To Top