WARARKA SOOMAALI

Al-shabaab oo la wareegay Degmo ka tirsan Gobolka Hiiraan iyo Ciidamo isaga baxay

Wararka aan ka heleyno degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ay sheegayaan in salaada Casir kadib ay degmadaas la wareegeen xubno ka tirsan Mleeshiyaadka Al-shabaab oo ku sugnaa meel ku dhow degmadaas.

Dadka deegaanka ayaa kusoo warramay Al-shabaab ay gudaha u soo galeen degmada Matabaan, kadib markii halkaas ay isaga baxeen Ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya iyo rag hubeysan oo maleeshiyo beeleed ahaa.

Al-shabaab ayaa lagu arkayaa gudaha Xarunta degmada, isla markaana dhex wareegaya xaafaddaha Matabaan oo ay dadka qaarkood kula hadlayaan goobaha ay ku arkaan, iyagoona isku sii fidiyey inta badan gacan ku heynta degmadaas.

Kooxda Al-Shabaab ayaa marar badan sidan oo kale waxaa ay gudaha ugu soo galeen degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan, iygaoona qaraxyo ku burburiyey Saldhiga Booliiska degmada Matabaan, kadibna halkaas isaga baxay markii dambe.

Al-shabaab oo la wareegay Degmo ka tirsan Gobolka Hiiraan iyo Ciidamo isaga baxay
To Top