WARARKA SOOMAALI

Al-shabaab oo la wareegay degaan ka tirsan Shabeellaha Dhexe iyo Ciidanka Dowladda oo..

Wararka aan ka heleyno deegaanka Qalimow ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas ay la wareegeen dagaalamayaasha Al-shabaab, kadib weerar xoogan ay ku qaadeen deegaankaas.

Weerarka kadib ayaa waxaa dagaal la sku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan uu dhexmaray Ciidamo ka tirsan kuwa Milateriga dowladda Federaalka iyo Al-shabaabkii weeraray deegaanka Qalimow.

War kasoo baxay Al-shabaab ayey ku sheegeen in ay si buuxda ula wareegeen deegaanka Qalimow ee Shabeellaha Dhexe, ayna halkaasi isaga baxeen Ciidanka dowladda ee halkaasi ku lahaa saldhig .

Al-shabaab ayaa sheegtay in weerarka ay ku qaadeen deegaanka Qalimow ay ku dileen ilaa sadex askari sidoo kale ku qabsadeen hub iyo saanad kale oo milatari ay lahaayeen ciidanka milatariga.

Weli ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Saraakiisha Ciidanka dowladda Federaalka oo ay uga hadlayaan la wareegida Al-shabaab ee deegaanka Qalimow ee Gobolka Shabeellaha Dhexe oo ku yaalla inta u dhexeeysa degmooyinka Balcad iyo Jowhar…

Al-shabaab oo la wareegay degaan ka tirsan Shabeellaha Dhexe iyo Ciidanka Dowladda oo..
To Top