WARARKA SOOMAALI

Al-shabaab oo isaga baxay Degmadii ugu muhiimsaneyd Mudug & Ciidanka DF oo…

Wararka aan ka heleyno degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug ayaa ku warramaya in degmadaas ay inta badan isaga baxeen dagaalamayaashii Al-shabaab oo ku sugnaa in ka badan 15-sanno, iyagoona ku lahaa Saldhiga ugu weyn ee Gobolka Mudug.

Dad ayaa soo weriyey in Al-shabaab ay faarujiyeen Saldhigyadii ay ku lahaayeen degmada Xarardheere, isla markaana ka rartay qalabkoodii iyo hubkii ka yaallay degmada oo ay kaabiga ku hayaan ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in Shabaab oo u jiheystay tuulooyinka hoostaga degmadaasi ay hore si qasab ugu sii kexeysteen shacabkii magaalada oo ay doonayeen inay gabaad ka dhigtaan.

Ciidamada xooggan dalka oo kaashanaya kuwa macwiisleyda ah ayaa kaabiga ku haaya degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug, waxaana ay kusii jeedaan degmada oo ay doonayaan inay ka qabsadaan halkaas.

Koofurta gobolka Mudug waxaa ka socda abaabul dagaal, iyadoo ay qorshaha duulaankan qeyb ka yihiin ciidanka PSF ee maamulka Puntland.

Al-shabaab oo isaga baxay Degmadii ugu muhiimsaneyd Mudug & Ciidanka DF oo…
To Top