WARARKA SOOMAALI

Al-shabaab oo goob fagaare ah ku toogatay lix ruux iyo falalka lagu soo eedeeyay

Xubno katirsan ururka Al-Shabaab ayaa fagaaro kuyaalla degaanka kuunyo-baroow oo hoostaga degmada Awdheegle ee Gobolka Shabeellaha Hoose waxaa ay ku toogteen lix rag ah oo ay ku eedeeyeen inay la Shaqeeynayeen Sirdoonka dowladda Mareykanka.

Goobta fagaaraha ah ayaa waxaa ku sugnaa boqolaal kamid ah Shacabka degaanka kuunyo-baroow oo ay Al-Shabaab ku amreen inay daawadaan sida ay u dhaceyso toogashada & Xubno kamid ah Al-Shabaab.

Ragga ay Al-Shabaab goobta fagaaraha ah ku toogteen oo u badan Dhalinyaro ayaa laga soo qabtay degaano kala duwan oo kamid ah gobolada dalka Soomaaliya, waxaana Magacyadooda ay kala yihiin.

1: Aweys Aadan Xassan (Dalabey) oo ay Al-Shabaab ku eedeeyeen in uu la Shaqeeynayay Sirdoonka mareykanka, isla markaana uu bixiyay xogta duqeymo lala beegsaday Xubno katirsan Al-Shabaab.

2: Cabdulqaadir Ibraahim Xuseyn (Boqol) oo Al-Shabaab sheeeen in uu ka qeyb qaatay ilaa lix duqeyn, isla markaana uu la Shaqeeynayay Sirdoonka dowladda mareykanka.

3: Cabdiraxmaan Cabdulle Dhicisow oo loo heystay in uu la Shaqeeynayay Sirdoonka Mareykanka, uuna ka qeyb qaatay hagida laba duqeyn oo ka dhacday duleedka degaanka Kuunya-barow ee gobolka Shabeellaha Hoose.

4: Cabdalla Nuunow Cabdulqaadir ayaa Al-Shabaab ku eedeeyeen in uu ka qeyb qaatay duqeyn lagu dilay Saraakiil katirsan ururka Al-Shabaab, sidoo kale uu xogtooda gudbiyay kuwo kale.

5: Maxamad Sheekhey barrow ayaa silamid ah raga kale waxaa ay ku eedeeyeen in uu la Shaqeeynayay sirdoonka mareykanka, isla markaana uu ka qeyb qaatay duqeymo ka dhacay gobolka Shabeellaha Hoose.

6:  Xassan Cumar Murjaan (Xassan Garre) ayaa Al-Shabaab ku eedeeyeen in uu la Shaqeeynayay Sirdoonka  dowladda mareykanka, isla markaana uu ka qeyb qaatay Saddex duqeyn oo ka dhacday degaanka Kuunya-barrow ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Al-shabaab oo goob fagaare ah ku toogatay lix ruux iyo falalka lagu soo eedeeyay
To Top