WARARKA SOOMAALI

Al-shabaab oo dhaqaatiir Caafimaad iyo Gaari Bukaan siday ka afduubtay Kenya

Xubno ka tirsan dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa saacadihii lasoo dhaafay waxaa dhaqaatiir Caafimaad ka afduubteen meel ku dhow xadka Kenya ay la wadaagto Soomaaliya, sida ay shaaciyeen laamaha ammaanka dowladda Kenya.

Laba kamid  shaqaalaha caafimaadka, darawalkii waday gaari nooca ambalaas ah iyo bukaankii ay wadeen ayey Al-shabaab afduubatay, kadib weerar gaadmo ah oo lagu qaaday gaari ambalaas ah oo ay leedahay magaalada Mandhera ee waqooyi bari dalkaasi,

Ambalaasta iyo shaqaalaha caafimaadka ayaa ku sii jeeday isbitaalka Ceelwaaq si loogu gudbiyo bukaan, iyadoo dableyda looga shakisan yahay Al-shabaab ee qafaashay baabuurka iyo shaqaalaha ay ula baxsadeen xadka Soomaaliya.

Falkani ayaa ku soo aaday xili weerarada Al Shabaab ay ka geysanayaan gudaha dalka Kenya ay sanadihii ugu dambeeyay yaraadeen waxaa xusid mudan in kooxdu ay horey u beegsatay ciidamada ammaanka, iskuullada, gaadiidka, magaalooyinka iyo isgaarsiinta waqooyi bari iyo bariga Kenya.

Al-shabaab oo dhaqaatiir Caafimaad iyo Gaari Bukaan siday ka afduubtay Kenya
To Top