WARARKA SOOMAALI

AKHRISO:Galmudug oo shaacisay Shuruudaha laga rabo Musharaxiinta Golaha…

Guddiga hirgelinta doorashada dowlad Goboleedka Galmudug ayaa shaaciyay shuruudaha laga doonayo Musharaxiinta shanta kursi ee ugu horreeysa doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka iyo xilliga ay bilaabaneyso is-diiwaangelinta Musharaxiinta.

Qoraal ay soo saareen Guddiga doorashada Galmudug ayaa waxa lagu sheegay in diiwaan-gelinta Musharaxiinta kuraasta ugu horreeysa ee Golaha Shacabka ay bilaabaneyso 20-ka November 2021, looga baahan yahay Musharaxiinta bixinta lacagta diiwaan-gelinta.

Guddiga ayaa sheegay in Musharax kasta oo u tartamaya shanta kursi ee horey loo shaaciyay looga baahan yahay inuu leeyahay aqoon ugu yaraan dugsi sare ama waayo Arragnimo u dhiganta iyo inuu heysato Warqada dembi la’aanta ee Hay’adda CID-da.

Lacagta diiwaan-gelinta Musharaxiinta Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee laga doonayo inay bixiyaan ragga ayaa waxaa ay gaareysa $10,000 halka Musharaxiinta Dumarka ay bixinayaan $5,000.

 

 

AKHRISO:Galmudug oo shaacisay Shuruudaha laga rabo Musharaxiinta Golaha…
To Top