WARARKA SOOMAALI

AKHRISO:-Puntland oo soo saartay Digniin ku socota Dowladda Federaalka

Dowlad Goboleedka Puntland ayaa mar kale ku celisay in aysan qayb ka ahayn fulinta Sharciga Shidaalka Soomaaliya oo la saxiixay 10 February sanadkii hore ee 2020.

Puntland ayaa sheegtay in Sharcigaas aanu waafaqsanayn Dastuurka KMG ah ee dowladda Federaalka Soomaaliya hannaanka qaybsiga Khayraadka dalka oo aan weli laga heshiin.

War-saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Puntland ayay uga digtay dowladda Federaalka Soomaaliya in ay wakhtigan kala guurka ah gasho heshiisyo lagu xaraashayo Khayraadka waddanka

Sidoo kale Shirkadaha Caalamiga ah ayay uga digtay in aysan heshiis ku saabsan Khayraadka la gelin dowladda Federaalka ee mudda xileedkeedu dhammaaday.

AKHRISO:-Puntland oo soo saartay Digniin ku socota Dowladda Federaalka
To Top