WARARKA SOOMAALI

Ajandeynta kulamada soo socda ee Golaha Shacabka oo kulan laga yeeshay

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Sheikh Adan Mohamed Nur Madobe ayaa shir guddoomiyay kulanka 22-aad ee Guddiga Joogtada ah Golaha Shacabka, kaasoo ka dhacay xarunta guddoonka iyo guddiyadda ee Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho.

Kulanka Guddiga Joogtada ah ayaa looga hadlay ajandeynta kulamada soo aaddan ee uu yeelan doono inta lagu guda jiro kalfadhigan seddaxaad ee Golaha, xilli labadii kulan ee ugu danbeeyay ay yeelan lahaayeen Xildhibaanada uu u baaqday kooram la’aan.

Xubnaha  guddiga ayaa aad uga hadlay sidii Goluhu kalfadhigan uga shaqeyn lahaayeen wax ka bedelka iyo dhamaystirka Dastuurka KMG ah iyo heshiisyada caalamiga ah ee ay gasho Xukuumadda.

Sidoo kale Guddiga iyo Guddoomiyaha Golaha ayaa laisla soo qaaday la xisaabtanka Xukuumadda Federaalka ee uu hogaamiyo Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre iyo kor joogteynta hay’adaha kala duwan ee Dowladda.

Dhinaca kale Guddoomiye Aadan Madoobe ayaa Guddiga Joogtada ah ee Golaha siiyay warbixin ku saabsan safarkii uu ku tagay Boqortooyada Sacuudi Carabiya, isagoo mid mid u dul istaagay kulamadii uu la qaatay madaxda Baarlamaanka dalka Sucuudiga.

Ajandeynta kulamada soo socda ee Golaha Shacabka oo kulan laga yeeshay
To Top