WARARKA SOOMAALI

Agaasimihii Guud ee Villa Somalia oo xilkii iska casilay & sababta keentay

Ilo lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in Agaasimihii Guud Madaxtooyada ee Villa Somalia Dr. Xuseen Sheikh Maxamuud uu iska casilay xilkii Agaasime, isagoo warqad is casilaad u gudbiyay Madaxweynaha dowladda Federaalka Xasan Sheekh Maxamuud.

Wararka ayaa sheegaya in is casilaadiisa ay tahay arrin shakhsi, iyadoo loo badinayo inuu isu soo sharxo madaxtimnimada Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed.

Agaasime Xuseen oo saaxibo dhow ahaayeen Madaxweyne Xasan Sheekh, door weynna ku lahaa ololihiisa ayaa xilka Agaasimaha Madaxtooyada loo magacaabay 23 May 2022, markii uu Madaxweyne Xasan Sheekh uu Xafiiska la wareegay.

Agaasimaha intuu xafiiska joogay ayaa wuxuu hormuud u ahaa howlo siyaasadeed oo muhiim u ahaa dawladda, gaar ahaan heshiisyadii taariikhiga ahaa ee Golaha Wadatashiga Qaran.

Agaasimihii Guud ee Villa Somalia oo xilkii iska casilay & sababta keentay
To Top