Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa xalay kulan la qaatay Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka ee laga soo doortay deegaanada Koonfur Galbeed iyo Jubbaland.
Kulanka Guddoomiye Aadan Madoobe iyo Xildhibaanada ayaa waxaa looga hadlay Arrimo ay kamid yihiin xaaladda Abaaraha ee ka jira deegaanada maamulada Jubbaland iyo K/Galbeed, iyo sidii ay Xildhibaanada gacan uga geysan lahaayeen xaaladda jirta.
Sidoo kale inta uu kulanka socday ayaa waxaa looga arrinsaday sidii ay midnimo iyo isku xirnaasho u yeelan lahaayeen Xildhibaanada ka soo jeeda deegaanadaas, waxaana Xildhibaanada ay u mahadceliyeen Guddoomiye Aadan Madoobe oo oo kulanka isugu yeeray.
Wararka la helayo ayaa sidoo kale sheegaya in Guddoomiyaha uu Xildhibaanada kala hadlay sidii Golaha Wasiirada ee la soo magacaabi doono loo garab istaagi lahaa, waxaana wararka intaas kusii darayaan inuu u sheegay mudanayaasha in xubno ka mid ah Xildhibaannada ay ka mid noqonayaan Golaha Wasiirada ee la soo magacaabayo.
Ugu dambeyn Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa guddi ka kooban shan xubnood u xil-saaray in ay ka shaqeeyaan sidii wax loogu qaban lahaa gurmadka Abaaraha ka jira deegaanada maamulada Jubbaland iyo Koonfur Galbeed Soomaaliya.