WARARKA SOOMAALI

Aadan Madoobe oo Caawa Guddi u magacaabay Dagaalkii ka dhacay Baraawe

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Barlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa magacaabay guddi gaar ah oo warbixin ka soo diyaariya shaqaaqooyinkii ka dhacay magaalada Baraawe ee caasimada dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

Xildhibaanno ka tirsan golaha shacabka BJFS ayaa kulankii la soo dhaafay ee golaha shacabka soo jeediyay mooshin ku saabsan xaaladda magalada Baraawe si warbixino looga dhageysto, Guddoomiye sheekh Aadan Madoobe ayaana sheegay in loo saari doono guddi warbixin ka soo diyaariya.

Dagaalo sababay dhimasho iyo dhaawac oo u dhexeeyay  ciidanka Milateriga  dowladda Federaalka iyo kuwa Daraawiishta Maamulka Koonfur Galbeed  ayaa ka dhacay magaalada  Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose, waxaana  dagaaladaasi ku dhintay in ka badan 15 ruux.

Aadan Madoobe oo Caawa Guddi u magacaabay Dagaalkii ka dhacay Baraawe
To Top