WARARKA SOOMAALI

RW Rooble oo James Swan kala hadlay taageerada dhaqaale ee Beesha Caalamka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa Maanta xafiiskiisa kulan kula qaatay Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Arrimaha Soomaaliya James Swan.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Warfaafinta ee Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa lagu sheegay in Rooble iyo James Swan ay ka wada hadleen dardargelinta doorashooyinka dalka iyo taageerada farsamo iyo dhaqaale ee Beesha Caalamka.

Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Arrimaha Soomaaliya ayaa isla gartay sida ay muhiimka u tahay in la dedejiyo howlaha doorashooyinka gaar ahaan doorashada Golaha Shacabka.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa horay ugu boorriyay dowlad-goboleedyada sida Jubbaland, Puntland, Koonfur Galbeed, Hirshabeelle iyo Galmduug in ay sida ugu dhaqsiyaha badan u bilaabaan qabashada doorashooyinka Golaha Shacabka BFS.

Beesha Caalamka ayaa dhawaan Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul Goboleedyada dalka ka dalbatay inay dardar-geliyaan doorashooyinka dalka, xili ay walaac ka muujiyeen dib u dhac doorashada, iyagoona ku baaqay in la dhameyrito doorashada kahor dhammaadka sanadkaan 2021.

RW Rooble oo James Swan kala hadlay taageerada dhaqaale ee Beesha Caalamka
To Top