WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-Ku-xigeenkii Midowga Afrika ee Somalia oo ka hadlay Go’aankii DFS dalka uga ceyrisay

Ku-xigeenkii Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Simon Mulongo ee maalin kaho dowladda Federaalka Soomaaliya ka ceyrisay dalka ayaa ka hadlay Go’aanka ay gaartay dowladda ee ay dalka ugu ceyrisay, una qabatay muddo toddobaad inuu ku baxo.

Simon Mulongo oo ah diblomaasi u dhashay dalka Uganda ayaa sheegay in uusan ogeyn qalad uu sameeyay, isla markaana la socon faragelinta ay dowladda Federaalka Soomaaliya ku eedeysay ee aheyd inuu faraha kula jiro Arrimo ka baxsan waajibaadkiisa.

Ku-xigeenkii Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya oo wareysi siiyay wargeyska monitor ee kasoo baxa Uganda ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay Go’aanka ay qaadatay dowladda Soomaaliya, wuxuuna xusay inuusan garaneynin sababta keentay go’aanka.

“Ma garanayo sababta go’aankan ka dambeysa. Wax fikrad ah uma hayo. Waxaan rabaa in aan xaqiiqada ka hadlo, ee ma ahan in aan wararka xanta ah wax ka sheego,” ayuu yiri Simon Mulongo oo ka hadlaayay ceyrintiisa dowladda.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumadda Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud ayaa sheegay in Mulongo uu ku dhaqaaqay wax ka baxsan sharciga loo igmaday ee uu dalka ku joogo, isagoo xusay in uu horey u qabay digniin dhowr ah balse hadda ay Dowladda ka qaadatay go’aan cad oo ah in uu dalka uga baxo muddo todobaad ah.

RIIX HALKAAN SI AAD U DAAWATO

DAAWO:-Ku-xigeenkii Midowga Afrika ee Somalia oo ka hadlay Go’aankii DFS dalka uga ceyrisay
To Top