WARARKA SOOMAALI

TOOS:-Doorashada Golaha Shacabka ee Gobolada Waqooyi oo bilaabatay

Waxaa Goordhow Xarunta Dugsiga tababarka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee Jeneraal Kaahiye ka bilaabatay Doorashada kuraasta ugu horreeysa ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka ee Gobolada Waqooyi ee Somaliland.

Kursiga ugu horreeya ee tirsigiisu yahay HOP239 ayaa waxaa ku tartamaya laba Musharax oo kala ah Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed Khadar iyo Marwo Mushtaaq Ibraahim Yusuf.

Sidoo kale xubnaha ku tartamaya doorashada labada kursi ee Golaha Shacabka ayaa waxaa kamid ah Biixi Iiman Cige oo kamid Afartii sanno ee lasoo dhaafay ku fadhiyey kursiga tirsigiisu yahay HOP237.

101 Ergo ayaa dooraneysa Musharaxiintan, waxaana soo dhammaatay codeynta ergooyinka, isla markaana waxaa bilaabatay tirinta Codadka doorashada oo uu ku horreeyo Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka Mahdi Guuleed.

TOOS HALKAAN UGA DAAWO DOORASHADA 

TOOS:-Doorashada Golaha Shacabka ee Gobolada Waqooyi oo bilaabatay
To Top