WARARKA SOOMAALI

Dowladda Somalia oo ka hadashay Soomaali xarig wadareed loogu geystay Dal ku yaal…

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa War kasoo saartay dad Soomaali ah oo xarig wadareed loogu geystay Magaalada Caasimadda ah Ndola ee dalka Zambia, kuwaasi oo siyaabooyin kala duwan loo xiray dalkaas.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka ayaa waxaa lagu sheegay inay si dhow dowladda ula socoto warbixinnada sheegaya xarig wadareed lagula dhaqaaqay dad Soomaali ah oo ku nool Magaalada Ndola ee dalka Zambia, ayna aad uga xun yihiin tallaabadaas.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa sheegtay in dadka Soomaalida ah ee la xiray loo beegsaday hab isir ah, iyadoo aan loo eegin dhalsho ahaan, isla markaana arrintaas ay tahay mid aad uga walaacsan yihiin, maadaama Soomaali sharci darro loo xiray dadka.

“Wasaaradda waxa ay si dhow ula socotaa warbixinnada sheegaya xarig wadareed lagula dhaqaaqay dad Soomaali ah oo ku nool magaalada Ndola ee dalka Zambia oo loo beegsaday hab isir ah, iyadoo aan loo eegin dhalsho ahaan, waa arrin walaac dhalisay” ayaa lagu yiri Qoraalka kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda.

Ugu dambeyn Wasaaradda ayaa tilmaamtay inay ku howlan tahay sidii ay cadeymo uga heli lahayd Dowladda Zambia, loona xalin lahaa si degdeg ah tallaabada lagu xarig wadareedka dad Soomaaliyeed loogu geystay Magaalada Ndola ee dalka Zambia.

Dowladda Somalia oo ka hadashay Soomaali xarig wadareed loogu geystay Dal ku yaal…
To Top