Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftgareen ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Gudiga Hir-gelinta Doorashooyinka heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed oo Baydhabo gaaray.
Madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen oo kulan saacado qaatay la yeeshay Gudiga ayaa ka dhagaystay Warbixin ku saabsan waxyaabaha uqabsoomay iyo qorshaha uga degsan sidii ay uqaban lahayeen Doorashada Xubanaha Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Gudoomiyaha Gudiga Hir-gelinta Doorashooyinka Heer Federaal Mudane Maxamed Xasan Maxamed (Ciro) iyo Gudoomiyaha Gudiga Hir-gelinta Doorashooyinka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Yuusuf Cabduqaadir Maxamed ayaa si wadajir ah Madaxweynaha Warbixin uga siiyey Udiyaar garowga Doorashada Aqalka Hoose Dhinacyada Farsamada,Foomamka,Habraacyadii lagu shaqaynayey iyo Maaliyada waxaana dhanka kale Gudiga ay ka warbixiyeen sida ay doonayaan inay uqabtaan Doorashada Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya.
Gudiga hirgelinta ayaa dhanka kale Madaxweynaha ku bogaadiyey Dadaalkii uu ku bixiyey soo afjarada khilaafkii ka dhexeyey Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo Ra’isul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.
HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA