WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-Natiijada hordhaca ee Doorashooyinka Puntland oo la shaaciyay

Waxaa soo Gaba-gaboobay tirinta Codadkii ay shalay dhiibteen shacabka degmooyin ka tirsan maamulka Puntland, iyadoona sidoo kale la shaaciyay najijooyinka hor dhaca ah ee codbixintii shalay dhacday.

Degaaanada Puntland ayaa waxaa doorasho looga dareeray seddex degmo oo ka mid ah maamulkaasi, kuwaasi oo la arkyay dad weynaha oo safaf dhaadheer ku jira, si ay u ciodeeyaan, ayna codkooda siiyaan xisbiyada ka jira maamulkaasi.

Codbixinta ka dib waxaa billaabatay tirinta cododka oo ilaa iyo xalay ay wadeen Guddiga doorashada Puntland, waxaana sidoo kale ay shaaciyeen natiijyo hor dhac ah oo ku aaddan hal degmo.

Guddoomiyaha Doorashooyinka Puntland Guuleed Saalax ayaa sheegay in ay soo gabagabowday tirintii codadka 53 goobood oo ku yaalla 3da degmo, waxaana sidoo kale uu intaas kun daray Natiijada ay shaacin doonaan isla manta.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA

DAAWO:-Natiijada hordhaca ee Doorashooyinka Puntland oo la shaaciyay
To Top