WARARKA SOOMAALI

Ciidanka Nabadsugida oo si halis ah gacanta ugu dhigay Qarax la diyaariyay oo la rabay…

Ciidanka hay’adda Nabadsugida iyo sirdoonka Jubbaland (JISA) ayaa fashiliyay qarax miino  ay Al-Shabaab damacsanaayeen in ay ku dhibaateeyaan bulshada Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose.

Qoraal kasoo baxay Taliska NISA Jubbaland ayaa waxaa lagu sheegay in howlgalka qaraxa lagu fashiliyey ay fuliyeen Ciidanka ammaanka, isla markaana uu sigaar looga fuliyay xaafada Farjanno ee Magaalada Kismaayo.

Ciidanka hay’adda Nabadsugida iyo sirdoonka Jubbaland ayaa sheegtay in qaar ka mid ah dadka shacabka  ee ku sugan Kismaayo ay kusoo wargaliyeen, kadibna si deg deg ah looga hortegay qaraxa oo lagu dhibaateyn lahaa shacabka.

Jubbaland ayaa waxaa ay uga mahad celinaysay shacabka Kismaayo sida quruxda badan ee kalsoonida leh ee ay ula shaqeynayaan laamaha amniga ugana qeyb qaadanayaan sugida amniga iyo la dagaalanka argagixisada.

Ciidanka hay’adda Nabadsugida iyo sirdoonka Jubbaland ayaa maalmihii lasoo dhaafay howlgallo ka waday Magaalada Kismaayo ee Caasimadda KMG ah ee Maamulkaas, waxaana ujeedka howlgalka uu yahay mid lagu xaqiijinayay Ammaanka.

Ciidanka Nabadsugida oo si halis ah gacanta ugu dhigay Qarax la diyaariyay oo la rabay…
To Top