Diyaaradaha Dagaalka Israel ayaa waxay maanta mar kale duqeeyeen Xerada Qaxootiga Jabaliyah ee Waqooyiga magaalada Qasa ee Falastiin.
Duqeynta maanta ayaa waxaa lala beegsaday Xaafadda Al-Faluuja oo ka tirsan Xeradaasi, iyadoo 10 qof ku shahiiday. Shalay ayey ahayd, markii 6 gantaal oo kiiba hal tan ahaa lagu duqeeyey Xeradaasi oo dad badan ku shahiideen, kuna dhaawacmeen.
Israel ayaa waxay sheegtay in Duqeyntaasi lagu dilay Ibrahim Biari oo ahaa Taliyaha unuga XAMAAS ee Guutada Jabaliyah, balse, XAMAAS wey beenisay sheegashadaasi.
Dhanka kale, qoraal ay Guutada Kataa’ib Al-qasaam ee Garabka Milliteri ee Ururka XAMAAS soo dhigeen Barta Telegram waxay ku shaaciyeen in 7 qof oo La-haystayaal Rayid ah lagu dilay Duqeymihii shalay ka dhacay Xerada Qaxootiga ee Jabaliyah.
3 ka mid ah dadkaasi waxay wateen Baasabooro Ajnabi ah, lama sheegin dalalka ay ka soo jeedeen.