WARARKA SOOMAALI

Hirshabeelle, DFS iyo QM oo ka shiray xaalad cabsi oo ka taagan Jowhar

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa aqalka Madaxtooyada ku qaabilay wafdi ka socday Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Wakiilo ka socday Hay’adaha Qaramada Midoobey.

Wafdigaan oo uu hogaaminayay Wasiirka Beeraha iyo Waraabka XFS Axmed Madoobe Nuunow iyo Wakiilada Hay’adaha Qaramada Midoobey ee FAO, IOM, UN-Habitat, UNIDO iyo UNEP.

Madaxweynaha iyo qaar kamid ah Golaha Wasiirada ayaa kulan la qaatay wafdigan waxayna ka wada hadleen kor u qaadista Mashaariicda horumarinta iyo ka doodista Mashruuca Biyo-xireenka Jowhar ee (JOSP).

Mashruucan wuxuu ka qeyb qaadan doonaa xal u helista maareynta fatahaadaha wabiga shabeelle iyo biyo la’aanta xiliyada abaaraha kaas oo wax weyn ka tari doona Kaabayaasha Dhaqaalaha oo ay ugu horeyso wax soo saarka beeraha.

Si kastaba, kulanka dowladda dhexe, QM iyo HirShabelle ku dhex maray Jowhar ayaa kusoo aaday, xilli cabsi ay ka taagan tahay maamulkaasi, taas oo ku aadan fahaahadda wabiga Shabelle iyo xaaladda la saadaalinayo ee El-nino oo ay horay uga digtay dowladdu.

Hirshabeelle, DFS iyo QM oo ka shiray xaalad cabsi oo ka taagan Jowhar
To Top