WARARKA SOOMAALI

Xasan Sheekh oo xil u magacaabay Guddoomiye hore Cali Jeyte

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xil sare u magacaabay Guddoomiyihii hore ee Gobolka Hiiraan ee dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Jeyte Cismaan.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ayaa waxaa Cali Jeyte loogu magacaabay inuu noqdo u qeybsanaha Xafiiska Madaxweynaha ee Arrimaha Ciidanka Difaaca Dadweynaha ee loo yaqaano (Macawiisleyda).

Dhawaan ayay aheyd markii Madaxweynaha iyo Cali Jeyte ay kulamo ku yeesheen magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Maxaas, iyagoona ka wada hadlay dardar-gelinta howlgalada lagula dagaalamayo dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Cali Jeyte oo mar soo noqday Guddoomiyihii hore ee Gobolka Hiiraan ayaa hoggaaminayay ciidan farabadan oo kuwa deegaanka ee macwiisleyda ah oo Al-Shabaab dagaalo ugala wareegay deegaano dhowr ah oo ka tirsan Gobolkaasi

Madaxweynaha maamulka HirShabeelle Cali Guudlaawe ayaa 18 bishii Jun ee sanadkaan 2023 xilka ka qaaday Cali Jayte Cismaan oo ahaa Guddoomiyihii gobolka Hiiraan, waxaana lagu bedelay Cabdullaahi Axmed Maalin (Surufow).

Xasan Sheekh oo xil u magacaabay Guddoomiye hore Cali Jeyte
To Top