WARARKA SOOMAALI

DAAWO: Deni oo Weeraray Madaxda Golaha Wadatashiga Qaran

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa weerar afka ah ku qaaday Madaxda Golaha Wadatashiga Qaran ee dowladda Federaalka, kuwa dowlad Goboleedyada iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

Madaxweyne Deni oo maanta khudbad dhinacyo badan taabaneysa ka jeediyay furitaanka kalfadhiga 53-aad ee Golaha wakiilada Puntland ayaa waxa uu sheegay in xubnaha Golaha Wadatashiga aysan go’aan ka gaari Karin masiirka dalka.

Sidoo kale Saciid Deni ayaa ka horyimid Go’aanadii ugu danbeeyay ee Golaha Wadatashiga gaareen, wuxuuna intaas kusii daray in sababta Puntland aysan shirarka Golaha uga qeyb gelin ay tahay in heshiis lagu aheyn shuruucda dowladda dhexe, dowlad goboleedyada kalena mid walba uu gooni yahay.

Isaga oo sii hadlaayay Madaxweynaha Maamulka Puntland ayaa waxaa uu ku eedeeyay dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya inay ka leexatay hannaanka federaalka, sidoo kale ay meesha ka saartay dastuurkii heshiiska lagu ahaa.

Puntland ayaa muddooyinkii dambe qeyb ka aheyn shirarka Golaha Wadatashiga Qaran ee Madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa dowlad Goboleedyada ay ku yeelanayeen Muqdisho iyo magaalooyinka maamulada qaarkood.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA

 

DAAWO: Deni oo Weeraray Madaxda Golaha Wadatashiga Qaran
To Top