WARARKA SOOMAALI

Tiro-koobkii u dambeeyey Falastiiniyiinta ku dhimatay Duqeymaha Israel

Wasaaradda Caafimaadka ee magaalladda Qasa ayaa soo bandhigtay Tirada Guud ee Falastiiniyiinta ku dhimatay iyo kuwa ku dhaawacmay Duqeymaha ay Diyaaradaha Dagaalka Israel ku hayaan dadka Reer Falastiin ee ku nool Deegaanada Marinka Qasa ee Falastiin.

Ilaa haatan, 5,300 oo Rayidka Falastiiniyiinta ayaa ku shahiiday Duqeymaha Israel ee ay bishan October 7-dii ku bilaabeen dadka Rayidka ee Reer Falastiin.

Sidoo kale, 18,000 oo Falastiiniyiin ah ayaa ku dhaawacmay Duqeymahaasi.

Dhinaca kale Afhayeenka Waaxda Arrimaha Dibedda ee Maraykanka, Matthew Miller oo la hadlay Suxufiyiinta ayaa sheegay inay Dowladda Maraykanka ka digayso heshiis kasta  oo Xabbad-Joojin oo ay Israel ka galaan Marinka Qasa.

Waxa uu intaasi ku daray  inay Ururka XAMAAS ka macaashi doonaan Heshiis kasta oo XJJ ah, isla markaana ay fursad u siinayso Awoood kasta oo ay Dagaalamayaasha Xarakada XAMAAS ku nasan karaan, dib u soo kaban karaan iyo inay mar kale u diyaar garoobaan sidii ay u qaadi lahaayeen Weerarko ka dhan ah Israel.

Tiro-koobkii u dambeeyey Falastiiniyiinta ku dhimatay Duqeymaha Israel
To Top