WARARKA SOOMAALI

Xasan Sheekh oo ka hadlay Qodobo dhowr ah oo xooga saari doonaan

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad dhinacyo badan taabaneyso ka jeediyey shirka khibrad & aqoon Is-weydaarsiga Istaraatijiyadeed ee Golaha Wasiirrada Xukuumadda ayaa tilmaamay ahmiyadda ay leedahay Hannaanka Jiheynta Dowladnimada Casriga ah ee Soomaaliya si looga heshiiyo arrimaha aas aasiga u ah dowlad dhiska.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo dul istaagay qoddobadda mudnaanta leh Xukuumadda JFS ayaa hay’adaha dowladda ku adkeeyey in ay xoogga saaraan ciribtirka dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in  loo baahan yahay dhameystirka dastuurka, deyn cafinta iyo sidii dalkeenna looga qaadi lahaa cuna qabateynta hubka.

Xasan Sheekh ayaa sheegay in  kobcinta aragtiyaha toolmoon ee dowlad dhiska iyo tayeynta fahamka lagu hoggaaminayo dowladnimada casriga ah ay jaangoyn doonto sidaan uga heshiinno arrimaheenna siyaasadeed, si jiilasha soo socdo loogu horseedo dhabbo cusub oo waxtar u leh mustaqbalkooda.

Xasan Sheekh oo ka hadlay Qodobo dhowr ah oo xooga saari doonaan
To Top