WARARKA SOOMAALI

Mucaaradka Puntland oo Maanta Shir uga furmay Garoowe & Arrinta laga hadlayo

Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal ayaa waxaa Maanta ka furmay shir u dhexeeya xubnaha mucaaradka Maamulka Puntland iyo qaar ka mid ah ururada siyaasadda ee mucaaradka ku ah Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni.

Shirkan ayaa waxaa looga hadlayaa inta uu socdo sidii ay Puntland uga dhici lahayd doorasho wakhtigeeda ku dhacda, meesha laga saaro muddo kororsi horseedi kara qalalaase.

Xubnaha shirka mucaaradka ka qeyb galaya ayaa waxaa kamid ah Gen. Asad Cismaan Cabdullaahi (Diyano) oo ka tirsan ururka Mideeye, horeyna ahaa musharixii soo gaarey wareega u danbeysa doorashadii 2019 ee la tartamey madaxweyne Deni

Sidoo kale waxaa ka qaybgalaya siyaasiga Xassan Shire Abgaal, Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad, iyo siyaasiyin kale, kuwaasi oo maalmihii lasoo dhaafay gaarayay magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal.

Siyaasiyiintan ayaa diidan qorshaha uu Deni ka leeyahay doorashada qof iyo cod, waxayna rabaan in doorashada ku dhacdo hanaankii baarlamaaniga aheyd, halka Deni uu rabo in awoodda dadweynaha dib loogu celiyo, inkasta oo mucaaridka sheegeen in qorshahaas uu ku ladhan yahay damac muddo kororsi.

Mucaaradka Puntland oo Maanta Shir uga furmay Garoowe & Arrinta laga hadlayo
To Top