WARARKA SOOMAALI

SAWIRRO: Xasan Sheekh oo kormeeray Ciidamo tababar uga socda Ereteriya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo uu weheliyo  Madaxweynaha dalka Ereteriya Mudane Isaias Afwerki ayaa maanta kormeeray xeryaha ay tababarka ku qaadanayaan ciidamada Badda iyo Cirka xoogga dalka Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Ereteriya.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo warbixinno ka dhageystay sarakiisha ciidanka ayaa ku bogaadiyay dal jacaylka, dhabar adeyga iyo kartida ay muujiyeen muddada ay tababarka ku jireen.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa faray in ay u diyaar garoobaan sidii ay u garab siin lahaayeen halyeeyada kale ee ciidamada qaranka ee ku jira dagaalka dalka looga sifeynayo dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Ciidamada qaar, gaar ahaan kuwa cirka iyo badda loo tababarayo waxay Eritrea ku sugan yihiin in ka badan shan sano, waxaana tababarka u dirtay dowladii uu hoggaaminayey Madaxweyne Farmaajo.

 

 

SAWIRRO: Xasan Sheekh oo kormeeray Ciidamo tababar uga socda Ereteriya
To Top