WARARKA SOOMAALI

Khasaaro ka dhashay Weerar lagu qaaday Guriga Xildhibaan ka tirsan BFS

Weerar loo adeegsaday hoobiye ayaa saaka lagu qaaday guri uu magaalada Muqdisho ka degan yahay Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kaasi oo lagu magacaabo Xildhibaan Maxamed Keerow.

Hoobiyaha oo ku dhaca guriga Xildhibaan oo ku yaalla xaafada Dabaqeynka ee degmada Dharkeenley ayaa waxaa ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac, sida ay warbaahinta u sheegeen qaar kamid ah dadka deegaanka xaafaddaasi.

Ugu yaraan hal wiil oo uu dhalay Xildhibaanka oo lagu magacaabi jiray Maxamuud Maxamed Keerow ayaa ku naf-waayay madfaca ku dhacay guriga, halka sidoo kalena uu ku dhaawacmay wiil yar ah oo uu Xildhibaanka adeer u yahay oo isna joogay guriga.

Qaar kamid ah dadk aderiska la’ ah Xildhibaanka ayaa gurmad u fidiyay qoyska dhibaatada gaartay, iyadoo aan la ogeyn halka laga soo tuuray hoobiyayaasha iyo abrtilmaameedka inuu aha aguriga xildhibaanka iyo inkale.

Guriga uu deganaa Xildhibaanka ayaa waxaa sidoo kale qeyb kamid ah gaaray burbur xooggan oo uu gaarsiiyay hoobiyaha, Xildhibaan Maxamed Keerow ee saaka la weeraray ayaa kasoo jeeda deegaanada Maamulka Koonfur Glabeed.

Khasaaro ka dhashay Weerar lagu qaaday Guriga Xildhibaan ka tirsan BFS
To Top