Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa shacabka Magaalada Muqdisho kala qeyb galay Dibadbax balaaran oo ay ku Taageerayaan Howlgaladda dalka looga saarayo Al-Shbaab .
Dadweyne farabadan oo la isaga soo kala uruuriyay degmooyinka Gobolkaan Banaadir ayaa kasoo qeyb galay banaanbaxa oo lagu qabtay fagaaraha Daljirka daahsoon ee degmada Boondheere ee magaalada Muqdisho.
Dibadbaxayaasha ayaa muujiyay Taageerada ay la garab taagan yihiin dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee uu hormuudka u yahay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.
Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Xukuumada Federaalka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac, Guddoonka Maamulka Gobolka Banaadir, Culuma’udiin iyo Madaxda Maamulada Degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa ka qeybgalay Dibadbaxaan.