Jugta qarax xooggan ayaa daqiiqo kahor laga maqlay degmooyin ka tirsan Gobolka Banaadir gaar ahaan degmada Deyniile ee magaalada Muqdisho, qaraxa kadib ayaa rasaas xooggan waxaa furay ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka dowladda.
Qaraxaan ayaa la sheegay inuu ahaa mid gaari ah oo laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa, isla markaana uu ku qarxay bar Koontarool oo ay ku sugnaayeen ciidanka ammaanka dowladda, taasi oo ku taalla degmada Deyniile ee Gobolka Banaadir.
Illaa iyo hadda lama oga inuu qaraxaas weyn ee ka dhacay Muqdisho uu dhaliyay khasaaro.
Laamaha ammaanka dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la filayaa inay goor dhow kasoo saaran faah faahin qaraxaasi goordhaweyd dhacay.