WARARKA SOOMAALI

Xasan Sheekh oo qirtay in Ciidanka DF lagu jebiyay Dagaalkii Cowsweyne

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa mar kale ka hadlay dagaalkii khasaaraha badan dhaliyay ee todobaadkii hore ciidanka dowladda iyo Al-Shabaab ku dhexmaray deegaanka Cowsweyne ee Gobolka Galgaduud, halkaasi oo Al-Shabaab ay ku dileen askar badan.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeyb galayay xalay kulan Twitter Space ayaa waxa uu sheegay in dowladda uu dagaalkii Cowsweyne saameyn xooggan ku yeeshay, isla markaana ay jireen qalalaad dhacay oo uu ku sheegay inay farsamo aheyd.

Madaxweynaha dowladda Federaalka ayaa tilmaamay inaan jirin deegaan aan Cowsweyne eheyn oo lagu jabiyay ciidamadda xoogga dalka inta ay socoto howlgalka ka dhanka ah Shabaab, isagoona sheegay in raja wanaagsan ka qabo in Shabaab laga adkaanayo.

“Meeshaas Cowswayne meel aan ahayn oo ciidanka Dowladda lagusoo jebiyay ma jirto. Hadda xooggaa waa laga daba tagay, xaqiiqadanii waa soo taabteen dhallinyarada,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Dhinaca kale Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa sheegay inuu maalinta berri oo Axad ah uu ku wajahan yahay inuu gaaro deegaano laga saaray Al-Shabaab, waxaana wararka qaarkood ay tilmaamayaan inuu tagayo degmada Maxaas ee Gooblka Hiiraan.

Xasan Sheekh oo qirtay in Ciidanka DF lagu jebiyay Dagaalkii Cowsweyne
To Top