WARARKA SOOMAALI

Madaxweyne Guudlaawe oo gaaray Magaalada Dhuusamareeb

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Dhuusamareeb, halkaasi ayaa waxaa kusoo dhaweeyay Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor.

Ujeedka Madaxweyne Guudlaawe ayaa waxa uu yahay ka qeyb galka Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee maanta ka furmaya magaalada Dhuusamareeb, shirka ayaa waxaa marti geliyay Madaxweyne Qoorqoor.

Illo-wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa xaqiijinaya in Shirka Golaha ee saacadaha soo socda furmaya looga hadlayo arrimo dhowr ah oo ay kamid yihiin xaaladda guud ee  amniga dalka iyo dardar-galinta hawlgallada dalka looga saarayo Al-Shabaab.

Madaxweyneyaasha maamulada Jubbaland Axmed Madoobe iyo Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa iyaguna weli gaarin caasimadda Galmudug, waxaan warar la helayo ay sheegayaan in Madaxweynaha Puntland uusan shirkaas ka qeyb geli doonin.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa toddobaadyadii ugu dambeeyay ku sugnaa magaalada Dhuusamareeb, halkaas oo u ka wada abaabulka dagaal ka dhan ah Al-shabaab.

Madaxweyne Guudlaawe oo gaaray Magaalada Dhuusamareeb
To Top