WARARKA SOOMAALI

Mas’uuliyiin loo heysto musuq oo mar labaad Maxkamadda G/Banaadir la horgeeyay

Maxkamada Gobolka Banaadir ayaa markii  labaad u fariisatay dhageysiga dacwada loo heysto sarakiil ka tirsan hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha oo lagu soo eedeeyay  Musuq maasuq.

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa maanta la horgeeyay  Afar Eedeeysaneoo loo heysto dacwadda la xiriirta Musuq Maasuq iyo Catooyi Xoolo dadweyne, kuwaasi oo dacwad kasoo gudbiyey Xafiiska Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka.

Eedeysanayaasha ayaa lagu kala magacaaba:

1 -Cabdulaahi Maxamuud Osoble,

2- Cumar Macalin Nuur,

3-Saabir Xasan Cabdinuur,

4- Aadan Maxamed Cabdi oo dhammaan loo haysto Eeed ku saabsan  xatooyo xoollo dadweyne lagu  soo eedeyay  Saraakiishan intii ay ka mid ahayen howlwadeenadda hay’adda  socdaalka iyo Jinisayada  Soomaaliya.

Afarta eedeysane ayaa ka mid ah 18-eedeysanayaal  oo xafiiska xeer ilaalintu ku soo eedeyay falal la xiriira Musuq maasuq.

Mas’uuliyiin loo heysto musuq oo mar labaad Maxkamadda G/Banaadir la horgeeyay
To Top