WARARKA SOOMAALI

DFS iyo Ruushka oo kala saxiixday heshiis ku kacaya $684 million

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Biixi Iimaan Cige ayaa Wasiir ku-xigeenka Maaliyadda Dalka Ruushka Md. Timur Igorevich Maksimov la saxeexday heshiis ay Dawladda Ruushku kaga dhaaftay lacag ka badan $684 million.

Saxeexida Heshiiskan ayaa lafdhabar u ah dhammaystirka geediga dayn cafiska Dalka.

Heshiiskan taariikhiga ah ayaa ka dhacay magaalada Saint Petersburg oo uu ka furmayo shirwaynaha Afrika iyo Ruushka oo ay ka qeyb galayaan wefti ballaaran oo uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka XFS Saalax Axmed Jaamac.

Maanta oo khamiis ah ayaa waxaa lagu wadaa inuu shirwaynaha Afrika iyo Ruushka ka furmo magaalada Saint Petersburg, waxaana sidoo kale shirkaas ka qeyb galaya madax farabadan oo ka socota dalalka Afrika.

DFS iyo Ruushka oo kala saxiixday heshiis ku kacaya $684 million
To Top