WARARKA SOOMAALI

Ciidanka Jubbaland oo Al-Shabaab kala wareegay degaan ay qabsadeen

Dagaal u dhexeeyay ciidanka Daraawiishta Maamulka Jubbaland iyo Al-Shabaab ayaa xalay ka dhacay deegaanka Gerileey ee ka tirsan Gobolka Gedo, waxaana dagaalkaas uu biliowday ka gadaal markii ciidanka Jubbaland ay weerareen deegaankaas.

Dagaalka oo socday saacado ayaa waxaa gacan ku heynta deegaanka Gerileey kula wareegay ciidanka Daraawiishta Maamulka Jubbaland, kuwaasi oo saacadihii hore ee shalay isaga baxay deegaankaas, ayna qabsadeen dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Wararka la helayo ayaa sheegaya in ciidanka Jubbaland ay haatan ku sugan yihiin deegaanka, isla markaana ka wadaan howlgalo lagu xaqiijinayo amniga, qaar kamid dadka deegaanka Gerileey ayaa soo wariyey in xaalada ay tahay mid dagan.

Saraakiisha ciidamada maamulka ayaa illaa iyo had aka warbixin dagaalkii dhacay oo la tilmaamay inuu dhaliyey khasaaro kala duwan oo dhinacyada soo kala gaaray, inkastoo aan si rasmi ah loo ogeyn inta uu la egyahay khasaaraha jira.

Waa markii labaad mudo laba todobaad gudahood ah ay Al-shabaab weerar culus ku qaadaan deegaanka Gerileey ,kadib markii dhamaadkii bishii lasoo dhaafay ay faarujiyeen ciidamada Kenya ee qeybta ka ah howlgalka ciidanka ATMIS Saldhigii ay halkaasi ku lahayeen mudo ku dhaw 10 sano.

Ciidanka Jubbaland oo Al-Shabaab kala wareegay degaan ay qabsadeen
To Top