Maamulka Soomaali Galbeed ayaa faah faahin ka bixiyey khasaaraha ka dhashay dabkii xoogganaa ee xalay ka kacay Suuqa weyn ee ku yaalla magaalada Jigjiga, dabkaasi oo socday saacado dhowr ah.
Wasiirka Xafiiska Warfaafinta Soomaali Galbeed C/qaadir Rashiid Ducaale ayaa shaaca ka qaaday in dabku socday mudo 5 saacadood, iyadoo lagu guulaystay in la xakameeyo ugu danbayntii.
Mas’uulka ayaa cadeeyay inay dabkaasi ku bas beeshay badeecadii taalay iyo hantidii 932 Dukaan, halka ay xukuumada DDS samaysay Guddi baaritaan ku sameeya khasaaraha hantiyeed ee ka dhashay dabkaasi.
Madaxwaynaha Maamulka Soomaali Galbeed Mustafe Muxumad Cumar oo ay wehelinayaan masuuliyiinta kale ee deegaanka ayaa indhahooda ku soo arkay xarunta dabku ka kacay, iyagoo halkaasi ku soo arkay khasaaraha ka dhashay dabkaasi.
Dabka xalay ka kacay suuqa magaalada Jigjiga ayaa dhaliyay khasaaro badan oo hantiyadeed, mana jiro wax khasaaro nafeed ah oo lasoo wariyay oo dabkaasi ka dhashay, waxaana durba bilowday gurmadyo loo sameenayo dadkii hanti beelay.