WARARKA SOOMAALI

Ra’iisul Wasaare Xamse oo ka dhoofay Muqdisho & xogta ujeedka safarkiisa

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goor dhow ka ambabaxay Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, iyaga oo kusii jeeda dalka Masar.

War Qoraal oo kasoo baxay Xafiiska Warfaafinta Ra’iisul Wasaaraha ayaa lagu sheegay in Xamse Barre iyo wafdiga la socda ay magaalada Sharm El-Sheikh ee dalka Masar uga qaybgalayaan shir madaxeed ka dhacaya magaaladaas,

Shirka ayaa waxaa looga hadli doonaa sida la shaaciyay arrimo ay kamid yihiin Isku dubaridka Ganacsiga gaarka loo leeyahay si ay door uga qaataan dadaallada wax looga qabanayo saameynta isbeddelka Cimillada.

Kulanka ayaa sidoo kale madaxdu uga doodi doontaa caqabadaha heysta qaab dhismeedka dhaqaalaha adduunka iyo doorka bangiyada horumarinta ee caalamiga ah.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa inta uu ku sugan yahay magaalada Sharm El-Sheikh ee dalka Masar waxa uu kulamo la yeelanayaa qaar kamid ah Madaxda ka qeybgaleysa shirka furmaya.

Ra’iisul Wasaare Xamse oo ka dhoofay Muqdisho & xogta ujeedka safarkiisa
To Top