WARARKA SOOMAALI

RW Xamse oo ku dhawaaqay in Xukuumadiisa hal Arrin ay ka dagaalameyso

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa sheegay in Xukuumaddu ay xoogga saareyso la dagaallanka musuqmaasuqa.

Ra’iisul Wasaaraha oo ka hadlayey shirka Aggaasimeyaasha iyo Maareeyeyaasha Guud ee Dowladda ayaa intaas ku daray in Xukuumaddu mudnaan gaar ah siineyso isla-xisaabtanka.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa waxa uu Agaasimeyaasha faray in ay ka miro-dhaliyaan qaraarkii Xukuumadda Dan-Qaran ee adkaynta hufnaanta maamulka iyo maareynta, kaas oo si cad u qeexayey ciribtirka musuqa.

Hadalka Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda ayaa kusoo aadaya xilli marar badan madaxda dowladda ku cel celiyeen in ay la dagaallamayaan musuq maasuqa, waxaana wali hay’addaha dowladda Federaalka ka dhax jira musuq-maasuq baahsan.

RW Xamse oo ku dhawaaqay in Xukuumadiisa hal Arrin ay ka dagaalameyso
To Top