WARARKA SOOMAALI

Wararkii ugu danbeeyay Dagaal khasaaro dhaliyay oo ka dhacay Garoowe

Dagaal u dhexeeyay ciidamo ka tirsan maamulka Puntland oo gelbinayay  sanaadiiqda codbixinta dooradhada golayaasha deegaanka Puntland iyo ciidamo hubeysan ayaa xalay ka dhacay meel ku dhow Garoonka diyaaradaha magaalada Garoowe.

Dagaalka ayaa waxaa ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo kala gaaray labada dhinac, waxaana dagaalka uu markii hore ka bilowday, kadib markii ciidamo doonayay inay Garoonka ka dhoofiyaan agabka doorashada Gobolka Bari.

Gaadiidkii siday sanaadiiqda iyo agabka doorashooyinka oo markii dagalku qabsaday ku laabtay Garoowe ayaa maray waddo ka baxsan laamiga dheer, isla markaana gaaray goobihii loogu tala-galay.

Inta la xaqiijiyey labo askari oo ciidanka Puntland ayaa ku dhintay dagaalka, saddex qof oo kale oo qaarkood ciidankii hubeysnaa ay ku dhaawacmeen, iyadoo dhaawacyada loo qaaday durbadii xarumo caafimaad.

Labada dhinac ee Maamulka iyo siyaasiyiinta mucaaradka ah midna weli kama hadlin dagaalkii xalay ka dhacay nawaaxiga garoonka diyaaradaha Garoowe kaas oo ku soo beegmay saacado yar kadib markii siyaasiyiinta mucaaradku ay ku baaqeen in la joojiyo doorashooyinka qof iyo cod si aysan u sababin qalalaase amni.

Wararkii ugu danbeeyay Dagaal khasaaro dhaliyay oo ka dhacay Garoowe
To Top