WARARKA SOOMAALI

Doorashada dalka Turkiga oo soo dhammaatay & Erdogan oo si weyn…

Doorashada Madaxtinimada dalka Turkiga ayaa loo dareeri doonaa wareegga labaad ee 28-ka bishan May, kadib markii uusan jirin musharrax helay ugu yaraan 50% ee looga baahan yahay inuu ku guuleysto wareegga koowaad.

Guddoomiyaha Golaha Sare ee Doorashada dalka Turkiga Ahmet Yener ayaa ku dhawaaqay in in xadiga sanduuqyada cod bixinta ee la furay markii ay saacadda Turkiga aheyd 15:15 uu gaaray 100%.

Dadka u soo baxay doorashada Turkiga ayaa ah 88.92% iyadoo dhammaan sanaadiiqda gudaha ay furmeen, iyadoo dibadda ay u soo baxeen 52.69%, sida uu ku dhawaaqay Madaxa guddiga sare ee doorashada.

Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ayaa waxa uu helay 49.50%

Kemal Kilicdaroglu ayaa isna helay 44.89%, halka Sinan Ogan uu isna helay 5.17% iyo Muharrem Ince oo helay 0.44%.

Guddoomiye Yener, ayaa ku dhawaaqay in haatan wixii ka danbeeya la sameyn karo olole siyaasadeed, si looggu diyaar garoobo tartanka doorashada wareega labaad.

 

Doorashada dalka Turkiga oo soo dhammaatay & Erdogan oo si weyn…
To Top